Diyaarado hakiyey duulimaadyadii ay ku imaan jireen Muqdisho

Qaar kamid ah duulimaadyada Caalaamiga ee imaan jiray Soomaaliya ayaa ku dhawaaqay inay hakiyeen duulimaadyadii ay ku imaan jireen Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya.

Shirkadaha ku dhawaaqay inay duulimaadyada hakiyeen ayaa waxaa kamid ah Turkish Airlines, Ethiopian Airlines iyo Uganda Airlines, waxaana sababaha ay ku sheegeen inay la xiriirto shaqaaqooyinkii 24-kii saac ee la soo dhaafay ka dhacay Caasimada Muqdisho.

Shirkadaha ku dhawaaqay inay hakiyeen duulimaadyadii ay ku iman jireen Muqdisho ayaa waxaa ay si maalinle ah u imaan jireen aroonka diyaaradaha Aadan-Cadde ee Magaalada Muqdisho.

Dad farabadan oo Maanta oo sabti ah ku qornaa duulimayada Saddexda Shirkadood ayaa maanta ka baaqday safarkooda, waxaana qaar kamid ah madaxda Shirkadaha ay sheegeen in ay dadkaasi safarkooda dib ugu dhigeen, isla arkaana ay u diyaarsan yihiin inay markale qaadaan.

Shalay Magaalada muqdisho waxaa ay gashay jawi aan wanaagsaneyn, waxaana meel kamid ah garoonka Diyaaradaha Aadan-Cadde ku dhacay Hoobiye, kaas oo dab dhaliyay wallow markii dambe la demiyay.