Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyed ayaa howlgal qorsheysan ka fuliyay degaanada Mushaani Daniga Majabta, halkaas oo la sheegay in ay ku sugnayeen Xubno ka tirsan Ururka Al-Shabaab.
Saraakiisha howlgalka hoggamineysay ayaa waxaa ay sheegeen in howlgalka lagu burburiyay Xaruno ay Al-Shabaab ku lahaayeen degaannada Mushaani Daniga Majabta oo u dhexeeya degaanka janaale iyo degmada qoryooleey ee gobolka Shabellaha Hoose.
Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Jeneraal Odowaa Yuusuf Raage oo la hadlay Idaacada Ciidamada Qalabka Sida ayaa sheegay in howlgalka lagu dilay Sarkaalkii Amniyaadka Al-Shabaab ee gobolka Shabellada Hoose iyo Sarkaal kale iyo 50 Xubnood oo kale.
Taliye Odowaa ayaa Magacayada h saraakiisha la dilay ku kala sheegay Macalin Buqaari oo ahaa Sarkaalkii jabhada Al-Shabaab ee gobolka Shabellaha Hoose iyo Sheekh Xasan ganeey oo Al-Shabaab u qaabilsanaa Amniyaadka gobolka Shabellaha Hoose.
Ugu dambeyntii Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya S/guudto Odowaa yuusuf raage waxa uu sheegay in howlgalka lagu bur buriyay Saldhigyadii Al-shabaab ay ku lahayeen degaanada Mushaani Daniga Majabta ee gobolka Shabellaha Hoose.
Marka laga soo tago warkaan kasoo yeeray taliyaha Ciidamada xoogga dalka ayaan jirin warar madax banana oo xaqiijinaya sheegashada dowladda, iyada oo dhankooda Al-Shabaab ka hadlin.