Hir-Shabeelle oo ku dhawaaqday in degaannadeeda uu ku faafay Coronavirus

Wasaaradda Caafimaadka dowlad Goboleedka Hir-Shabeelle ayaa faah faahin guud ka bixisay kiisaskii ugu dambeeyay ee cudurka Coronavirus ee laga diiwaamgeliyay degaannada Maamulka Hir-Shabeelle ee Gobolada Hiiraan & Shabeellaha dhexe.

Wasiirul Dowlaha Caafimaadka Dowlad Goboleedka Hir-shabeelle Dr Muxudiin  Muqtaar Macalin ayaa sheegay in cudurka uu si aad ah ugu fafay Magaaloyinka Beledweyne iyo Jowhar oo ah xarumaha labada Gobo lee Shabeellaha Dhexe & Hiiraan.

Wasiirul Dowlaha oo shir jaraa’id u qabtay Warbaahinta waxaa uu sheegay in Gobolka Shabeellaha Dhexe laga diiwaangeliyay 9 Ruux  oo ay kujiran saraakiil Caafimaad oo laga helay cudurka, halka hal qof uu u geeriyooday,

Sidoo kale  waxaa uu hadalkiisa uu intaasi ku daray in kiisas cusub  laga diiwaangeliyay Magaalada Beledweyne ee Xarunta gobolka Hiiraan, kuwaas oo ay kujiraan laba qof oo ajaanib ah oo ka yimid dalka Koonfur Afrika.

Ugu dambeyn Wasiirul Dowlaha Caafimaadka Dowlad Goboleedka Hir-shabeelle Dr Muxudiin  Muqtaar Macalin  waxaa uu ugu baaqay bulshada ku nool degaannada Hir-Shabeelle inay ka feejignaadaan qatarta cudurka COVID-19.

Dowladda Soomaaliya ayaa maalmihii la soo dhaafay waxaa ay shaacineysay kiisas cusub ee Coronavirus ah, kuwaas oo meelaha lag diiwaangeliyay ay kamid ahaayeen degaannada Hir-Shabeelle.