Imaaraadka saldhiga ka sameysanaya Puntland & Deni oo tegay….

Madaxweynaha Puntland Siciid Deni ayaa safar aan la shaacin ku tagaya magaalada Caluula (Gardafuu) ee cirifka u dambeeya Soomaaliya, halkaas oo muhiimad weyn ku fadhida, ahna aaga ay isku hayaan dalal badan oo isku haysta gudaha Soomaaliya.
Safarka Deni, waxaa qeybka ah xubno Sirdoon oo kasocda dalal Shisheeye, gaar ahaana Imaaraatka iyo dal kale, ujeedaduna waa in goobtas ay la wareegaan lagana hirgaliyo Saldhig Milateri oo ay Imaaraatku horgal ka yihiin, balse ay dawlad kale leedahay ciidanka la keeni doono.
Ilo Sirdoon, waxay xaqiijinayaan in mashruucan uu qeyb ka yahay walaaleynta Isreal & Carabta ee uu waday Madaxweynihii hore ee Mareykanka.