Madaxweynaha Hir-Shabeelle oo bilaabay xalinta Shaqaaqooyinkii ka dhacay Muqdisho

Madaxweynaha Dowlad Goboleedk Hirshabeelle Cali Gudlaawe Xuseen ayaa maanta hoygiisa Magaalada Muqdisho ku booqday Madaxweynihii hore ee Dalka Xassan Sheikh Mohamud.

Wararka kulanka laga helay ayaa sheegaya in labada mas’uul ay ka wada hadleen Arimaha Doorshooyinka  dalka ee uu weli muranka ka taagan yahay & iyo Dajinta Xaaladaha Cakiran ee dhashay rabshadii dhacay.

Madaxweynaha Hir-Shabeelle ayaa la sheegay in uu bilaabay doorkiisa ku aadan dhex-dhexaadinta xaalada taagan iyo sidii looga gudbi laha, iyada oo ay xusid mudan tahay in Musharixiinta ay maanta ku dhawaaqeen banaanbaxyo kale.

Madaxweynaha Dowlad Goboleedk Hirshabeelle Cali Gudlaawe Xuseen ayaa Magaalada Muqdisho u yimid ka qeyb-galka shirka wadatashiga doorashyinka ee uu dhawaan ku dhawaaqay Madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.