Sarkaal lagu dilay Taalada Daljirka Daahsoon & faah faahin laga helay

Ciidamo ka tirsan Nabadsugida Soomaaliya ayaa Caawa Barxada Taalada Daljirka Daahsoon ee degmada Boondheere waxaa la sheegay inay ku dileen Sarkaal ka tirsan Ciidmada Booliska Soomaaliyeed.

Sarkaalka la dilay ayaa waxaa lagu Magacaabi jiray Abkoow Cambuure, waxaana xilligii Guddoomiyiyeyaashii hore ee Gobolka Banaadir Eng Yariisow iyo Yuusuf Madaale uu ka Shaqeyn jiray Xarunta Gobolka Banaadir.

Xilliga dilayay ayaa waxaa la sheegay in uu ka yimid dhinaca Isgoyska Boondheere, iyada oo Hay’adaha Amniga Soomaaliya aysan faah faahin ka bixin sababaha loo dilay Askariga.

Guddoomiye kuxigeenka Arrimaha Bulshada ee Maamulka Gobolka Banaadir Basma Caamir Shakeeti ayaa ka tacsiyadeeysay dilka Askarigaas, iyada oo laamaha Amniga ka codsatay inay cadaaladda horkeenaan dadkii ka dambeeyay dilkaas.

“Allaah unaxriisto Abkoow Cambuure oo goor dhow ay isoo gaartay Geeridiisa, Gacan ka xaqdaran ayaa ku dishay Taalada Dal Jirka Dahsoon ee Degmada Boondhere, Waxaan alle uga baryaa inuu Janadiisi Firdowsa Alle ka waraabiyo, Laamaha amaankana waxaan ka codsanayaa inay kuwii Falkaa ka dambeeyay ay Cadaalada horgeeyaan, Abkow waxa uu ahaa Shaqsi Howlkar ah, lana soo shaqeeyay Qaar kamid ah Gudoomiyaashii G.Banadir”

Taalada Daljirka Daahsoon ee degmada Boondheere ayaa waxaa xalay la geeyay Ciidamo ka tirsan kuwa Gaashaan ee ka tirsan NISA kadib markii shalay oo dhan ay gacanta ku hayeen Ciidamada gorgor oo shalay aroortii hore la geeyay si ay u hor-istaagaan in la dhigo banaanbax ay soo abaabuleen Midowga Musharixiinta.