XOG: Guddoomiyaha Baarlamaanka Puntland oo looga yeeray Nairobi

Guddoomiyaha Baarlamanka Puntland Cabdirashiid Yuusuf Jibriil, ayaa maanta oo Sabti ah ku wajahan magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya.

Safarka Guddoomiyaha ayaa ku saabsan Arrimo khuseeya Shaqada Golaha Wakiilada, sida ay xaqiijiyeen ilo wareedyo ka tirsan xildhibaannada Baarlamanka Puntland.

Xogaha la helay ayaa sheegaya in Guddoomiyaha ay u yeereen mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Kenya, kuwaas oo kala hadlaya arrimo ku saabsan Xildhibaannadii dhawaan xasaanada laga qaaday oo qaarkood xiriir la lahaa Kenya.

Wararku waxay sheegayaan in Guddoomiye Cabdirashiid uu sidoo kale la kulmi doono hay’adaha daneeya Arrimaha Horumarinta Soomaaliya, gaar ahaanna Puntland.