Farmaajo oo la kulmay Madaxda Maamulada taageersan

Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo Madaxweynaha waqtigiiso dhamaaday ayaa guddoomiyey Kulan hordhac u ah Shirka Wadatashiga Qaran ee ku saabsan dhaqan-gelinta talo-soojeedintii Guddiga Farsamada Arrimaha Doorashooyinka Federaalka.

Kulanka waxaa ka soo qeyb galay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble, Madaxweynayaasha Dowlad-goboleedyada Galmudug, Mudane Axmed Cabdi Kaariye, Koonfur-galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed iyo Hirshabeelle Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cumar Maxamuud Maxamed.

Farmaajo ayaa tilmaamay in shaqada Guddiga ay aas-aas u tahay xal u helidda caqabadaha soo wajahay fulinta Heshiiska 17-ka Sebteembar .

Madaxweynayaasha maamulada Puntland iyo Jubbaland ayaanan shirka qeyb galin, iyadoo Madaxweynaha Jubbaland uu shuruud ku xiray in uu yimaado Muqdisho si uu shirkaas uga qeyb galo.