Madaxda Dowladda oo Muqdisho kulan kula leh Wakiilka QM ee Soomaaliya

Madaxwaynaha muddo xileedkiisa uu dhamaaday ee Maxamed C/laahi Farmaajo oo uu weheliyo siihayayaha Ra’iisul Wasaaraha Maxamed Xuseen Rooble ayaa hadda kulan la leh Ergayga Qaramadda Midoobay, Madaxwayneyaasha Goboleedyadda Galmudug, Koonfur galbeed, Hirshabelle iyo Gudoomiyaha Gobalka Banaadir.

Shirkan ayaa waxaa looga hadlayaa arrimaha doorashooyinka Dalka & shaqaaqooyinkii ugu dambeeyay ee ka dhacay Magaalada Mqudisho, kaas oo u dhaxeeyay Midowga Musharixiinta iyo dowladda muddo xileedkeeda uu dhamaaday.

Xubnaha Beesha Caalamka ayaa maalmihii la soo dhaafay waxaa ay cadaadis ku saarayeen saamileyda siyaasadeed ee dalka sidii looga heshiin lahaa doorashoyinka maadaama uu dhamaaday mudo xileedka Hay’adaha dowladda.