Hoggaamiyihii mucaaradka dalka Rwanda oo la dilay

Hoggaamiyihii mucaaradka dalka Rwanda Seif Bamporiki ayaa lagu dilay dalka koonfur Afrika, waxaana dilkiisa kasoo baxaya faah faahinno kala duwan, qaabka uu dhacay iyo cidda ka dambeysay.

Hoggaamiyaha ayaa lagu dilay magaalada Cape Town, waxaana in muddo ah uu dalkaasi ku joogay Musaafuris, iyadoo ay xusid mudan tahay in uu ka tirsanaa xisbiga lagu magacaabo Rwanda National Congress (RNC).

Warbaahinta Caalamka ayaa Caawa aad u hadal heeysa dilka loo geystay hoggaamiyihii mucaaradka Koonfur Afrika, waxaana la filayaa inay ka hadlaan dalal dhowr ah.