Midowga Musharixiinta oo iska fogeeyay Yuusuf Indhacadde

Xubnaha Midowga Musharixiinta ayaa sheegay in aan lagu soo weerari Karin hadal uu sheegay qof aan ka tirsaneyn Midowga Musharixiinta, kadib markii dhawaan Sheekh Shariif & Xasan Sheekh lagu weeraray Hotel ay deganaayeen.

Sheekh Shariif oo Warbaahinta kula hadlay muqdisho waxaa uu sheegay in bannaanbax kalena ay ku qaban doonaan isla goobtii Daljirka Dahsoon Maalinta Jimcaha.

Wuxuu intaas ku daray inaysan wax ku raadineynin dagaal, ayna kuraasta ka tageen iyadoo nabad ah oo Doorasho lagu kala qaaday, isla markaana aysan ogolaan karin 30 sano oo burbur ah kadib in awoodda dowladda lagu takri falo.

“Cid aan u wakiilanay inay codkeena ku hadasho ma jirto.. Golaha Musharixiinta xubnaha ka tirsan wuxuu ku hadli karaa magaciisa iyo kan golahana waa na wada quseeyaa.. qof aan xil u heynin oo musharixiinta aan ka tirsaneyn dhiiggeena laguma banneysan karo” ayuu yiri Sheekh Shariif oo ka jawaabay eedeyntii dowladda ee hadalkii kasoo yeertay Jen. Yuusuf Indha-cadde.