QM oo sheegtay in Soomaaliya kajirto xaalad kacsanaan ah

Jimciyada Quruumaha ka dhaxaysa ee Soomaaliya, James Swan, ayaa goordhaweyd warbixin Soomaalida ku saabsan u jeediyey Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey.

Ergeygu wuxuu tilmaamay in Soomaaliya ay ka jirto xaalad kacsanaan ah, wuxuu u soo jeediyey madaxda Soomaalida in ay sii wadaan wada-hadallada doorashada iyaga oo latashiyo la samaynaya Daneeyaaasha Siiyasadda iyo Bulshada Rayidka.

Wuxuu xusay in ay Qaramada Midoobey, goobta shirka iyo dabagalka in wixii lagu heshiiyo fulaan ay ka caawineyso Soomaalida, haddii ay u baahdaan, ayuu yidhi.

Swan wuxuu sheegey in Jimcadii Muqdisho ay ku dirireen ciidamada dowladda iyo ilaalada musharrixiinta, wuxuu xusay in sidoo kale ciidamada dowladdu ay xabad nool ku fureen Dibad-baxayaal.

Khudbaddiisa wuxuu ku soo afmeeray in xalku uu ku jiro Soomaalida oo fulisa heshiishkii 17 September.