Cismaan Dubbe” 19 Febraayo wixii ka dhacay Muqdisho waxey ahaayeen isku day afganbi

Wasiirka warfaafinta Soomaaliya Prof Cusmaan Dubbe oo ka qeyb-galayay Barnaamij looga hadlayay xaaladda dalka ayaa sheegay in Muqdisho Jimcihii la soo dhaafay laga sameeyay waxa uu ugu yeeray isku day Afgambi.
Wasiir Dubbe ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya iyo ciidamada amniga ka hortageen isku daygaas Afgambi, isla markaana aysan jirin dowlad aqbaleyso in Xarumaheedda Ciidamo la soo dhoobto.
Wuxuu sheegay in tallaabada noocaa ah aysan jirin dowlad aqbali laheyd isaga oo tusaale u soo qaatay madaxtooyada Kenya”  Bal ka warran haddii State House ka Nairobi halka uu deggan yahay Uhuru Kenyatta inta aad Afar Tikniko ah la tagto tiraahdo madaxweyne ma jiro madaxweyne ku-xigeenna ma jiro, sidee  ayuu arinku noqon lahaa, ciidamadu howshooda ayeey qabsan lahaayeen ayuu yiri Wasiir Dubbe.
Sidoo kale hadalka Dube ayaa ku soo aadaya Xili Mucaaradka ay maalinta jimcaha soo socda ku baaqeen Banaanbaxy nabadeed, kaas oo an la ogeyn in dowladda ay ka hortegi doonto iyo in kale.