DEG DEG:- Qarax ka dhacay Magaalada Muqdisho

Qaraxa oo aad u xooganaa ayaa jugtiisa waxaa laga maqlay degmooyin ka tirsan gobolka Banaadir, waxaana la sheegay in uu ka dhacay degmada Xamarweyne ee Magaalada muqdisho.

Qaraxa ayaa Warar kala duwan ay kasoo baxayaan, waxaana wararka sheegayaan in uu ahaa ruux isku soo xiray waxyaabaha qarxa, balse Ciidamadda Ammaanka ay ceeyrsadeen, isaga oo iska tuuray Jaakadii qaraxa ku xirnaa, taasoo ku qaraxday inta u dhaxaysa Mogadisho Mall iyo Saldhiga Xamarwayne.

Khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah ayaa ka dhashay qaraxa, waxaana goobta gaaray Ciidamo ka tirsan dowladda, kuwaas oo xiray halka uu ka dhacay qaraxa.