Dowladda oo dhagxaan ku jartay Wadada gasha Xarumaha Musharixiinta

Biro iyo dhagxaan ayaa lagu jaray wadada ka baxda KM4 ee aada garoonka diyaaradaha ee Muqdisho, waxaana loo diiday guud ahaan gaadiidka oo ay ku jiraan kuwa Xildhibaanada, wasiirada iyo masuuliyiin kalaba.

Gaadiidka u socda dhinaca garoonka waxay ka geli karaan wadada Afisyooni, waxaana qasab ku ah in qof wacdo kadibna gacanka ciidanka laga amro lamana oga waxa sababay arintaan.

Hoteel Jaziira iyo guryaha ay dagan-yihiin Midowga Musharaxiinta oo ku dhow garoonka diyaaradaha ee Muqdisho waxaa ka socda abaabulka banaanbax la filayo in uu ka dhaco taalada Daljirka Dahsoon, kaas oo ay diidan tahay dowladda Soomaaliya.