Dowladda Soomaaliya oo ku dhawaaqday in an la qaban karin banaanbax

Wasiirka Wasaaradda Amniga Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaliya Xasan Xundubey Jimcaale ayaa  sheegay in malinba malinta ka damebeysa uu dalka kusoo kordhayao cudurka safmareenka ah ee coronavirus, kas oo kiisas badan lag helay dalka.

Wasiirka oo shir jaraa’id ku qabtay Muqdisho ayaa sheegay in shirar dhowr ah oo dhacay iyo qiimeyn la sameeyay lagu joojiyay isku soo baxyada dadweynaha, si looga feejignaado faafitanka cudurka COVID-19.

Waxaa uu Wasiirka sicad u sheegay in maranaba dowladda Soomaaliya aysan ogolaan doonin dibadbax ka dhici kara Magaalada Muqdisho ha ahaado mid ay dhigayaan Mucaaradka iyo ay soo qaban qaabisay dowladda Soomaaliya.

Wasiirka Wasaaradda Amniga Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaliya Xasan Xundubey Jimcaale ayaa sheegay in Muqdisho ay tahay Caasimadda Soomaaliya, isla markaana uu yaal hub farabadan, sidaasi daraadeedna aan la ogoleyn banaanbax.

Warkan kasoo baxay Wasiirka Wasaaradda Amniga Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaliya Xasan Xundubey Jimcaale ayaa kusoo aadaya xilli Midowga Musharixiinta ay ku dhawaaqeen dibadbax ka dhacaya Taalada Daljirka Daahson ee degmada Boondheere.