Ugaaskii Beesha Xawaadle oo Caawa COVID-19 u geeriyooday

Ugaas Xasan Ugaas Khaliif, oo ahaa ugaaska guud ee Beesha Xawaadle ayaa caawa ku geeriyooday Muqdisho.

Maalmahaan ayaa la sheegay in uu xanaansanaa waxaana la xaqiijiyay in goordhow xanuunka Coronavirus oo  haayay uu u geeriyooday.

Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda, Xildhibaano iho Wasiiro ka tirsan dowladda iyo dowlad Goboleedyada ayaa ka tacsoyadeeyay geerida Ugaas Xasan Ugaas Kahliif.