Xisbi sheegay inay dacwad ka gudbinayaan Farmaajo

Masuuliyiin ka tirsan Xisbiga uu hogaamiyo CC Warsame ee Wadajir, ayaa sheegay in todobaadkaan dacwad ka gudbin doonaan Madaxweynaha waqtiga ka dhamaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, taas oo ku saabsan weerarkii 2017 lagu qaaday guriga Musharax CC Warsame.

Qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook Shador Haji Mohamud, oo kamid ah masuuliyiinta xisbigaas ayaa u qornaa sidaaan.

“Xisbiga Wadajir, waxa uu Maxkamadda Gobolka Banaadir maalmaha soo aadan u gudbin doonaa dacwad ka dhan ah Madaxweynaha waqtigisisa dhamaaday Farmaajo oo masuul ka ahaa weerarkii 17 December 2017 ee lagu qaaday Xarunta Xisbiga. Horrey waxaan dacwad uga gudbinay sarakiil ka tirsan hey’adda Nabad Sugidda”.

“Waxaan ugu baaqayaa siyaasiyiinta, qoyaska iyo bulshadda Soomaaliyeed ee iyagana lagu dhibaateeyey magaca Iyo awoodd Dowladda afartii sanno ee la soo dhaafay in ay iyana dacwooyin ka gudbiyaan Farmaajo”