Puntland oo mamnuucday banaannaxyada si lamid ah dowladda

Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland Mudane Cabdi Ibraahim Warsame”Qawdhan” Ayaa Shir Gudoomiyay Kulanka Amniga Kaas Oo Manta Laga Soo Saaray Go’aano Amniga Magaalada Bosaaso Ah,

Taliska Qeybta Booliska Gobalka Bari ayaa kulan looga hadlaayay amniga La Yeeshay Dhamaan Hay’addaha amniga ,iyadoona kulanka laga soo saaray amaro ku socda shacabka Boosaaso.

Kulanka ayaa inta uu socday waxaa diirada lagu saaray sidii loo xoojin lahaa amniga Gobolka iyo kan Degmada Boosaaso, wadashaqeyn dhexmarta shacabka iyo laamaha amniga, si looga hortego wax kasta oo amni darro ah.

Taliska Qeynta Booliska Gobalka Bari ayaa kulankan kasoo saaray go’aan lagu joojiyay gebi ahaan isku imaatinada Bulshada.
Taliye ku-xigeenka qaybta Bari Yuusuf Cabdi Cartan oo warbaahinta la hadlay ayaa waxaa uu sheegay in ay mamnuuc yihiin isu-imaatinnada dadweynaha iyo dhammaan nooc kasta oo banaanbax ah.

Kusimaha Taliyaha Qeybta Booliska Gobalka Bari G/L Yusuf Cabdi Cartan ayaa tilmaamay inay ka go’an tahay sugida amniga Magaalada Boosaaso iyo ka hortagga in fowda laga sameeyo gudaha magaalada, isla markaana shacabka ugu baaqay inay qaatan go’aanka soo baxay.