Heshiis horudhac ah oo lagu gaaray Shirka Decale Hoteel.

Dhinacyada ku shirsan Decale,ayaa gaaray heshiis ka kooban dhowr qodob. In Dowladdaa raali gelin ka bixiso wixii dhacay 19 bishan.

In banaanbaxa uu dhaco muddo 10 cisho gudaheeda ah. In guddi loo saaro wixii dhacay.

Guddiga dhanka Dowladda Waxaa ka socda Gudoomiyaha Gobolka Cumar Finish iyo Wasiirka Amniga, halka Musharixiinta ay kala yihiin Daahir Geele iyo Cabdiraxmaan Cabdishakuur.

Goordhow ayay Saxaafadda la hadli doonaan labada dhinac.