Shirka RW Rooble & Midowga Musharixiinta oo ka furmay Muqdisho

Waxaa goordhow ka furmay Hotelka Decale oo ku yaal Garoonka diyaaradaha Aadan-Cadde ee Magaalada Muqdisho shir u dhaxeeya Ra’iisul Wasaaraha xilka siihaya ee Maxamed Xuseen Rooble iyo Xubnaha Midowga Musharixiinta.

Waxaa shirka ku sugan oo ka qeyb-galaya, RW Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble, Guddoomiyaha Midowga Musharixiinta Sheekh Shariif Sheekh Axmed, Madaxweyne hore Xasan Sheekh Maxamuud, musharixiinta, Daahir Maxamuud Geelle, Cabdikariin Xuseen Guuleed iyo Madaxweynayaasha Galmudug & Hir-Shabeelle.

Shirka ayaa labada dhinac waxaa ay uga hadlayaan xaaladda cakiran ee uu dalku marayo , dhacdooyinkii dhacay 19-kii Bishaan iyo sidii loo baajin lahaa banaanbaxa ay Musharixiinta ku dhawaaqeen inay qabanayaan Maalinta Berito ah.