In kabadan 300 oo ruux oo laga diiwaangeliyay Cudurka Covid 19 Soomaaliya

Wasaaradda Caafimaadka Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa shaacisay kiisaskii ugu badnaa ee laga helay dalka Cudurka Coronavirus muddo 48 saacadood ee la soo dhaafay.

Qoraal kasoo baxay Wasaaradda Caafimaadka ayaa waxaa lagu sheegay in 48 saacadood ee la soo dhaafay la baaray 1,830 ruux, balse cudurka laga helay 304 qof.

Dadka Cudurka laga helay ayaa  Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya sheegtay inay kala joogan, 147 Ruux Gobolka Banaadir, 77 kamid ah degaannada Hir-Shabeelle, Soomaliland 53 Ruux, Jubbaland 15  qof halka  Galmudug laga diiwangeliyay 7 qof.

Sidoo kale dadka cudurka laga helay ayaa 18 Ruux waxaa ay yihiin rag halka 119 kale ay yihiin dumar, waxaana Cudurka u geeriooday 48 saac ee la soo dhaafay 8 Ruux halka saddex Ruux kaliya ay ka bogsadeen.

Ugu dambeyn  Wasaaradda Caafimaadka Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa ayaa sheegtay in tan iyo markii cudurka uu soo laba kacleeyay la diiwaangeliyay 6,991, 3,787 oo ka caadimaday halka ay u geeriyoodeen 231.