Cumar Candirashiid oo hal Arrin ku eedeeyay Farmaajo

Cumar Cabdirashiid Cali Sharma’arke, oo ah Senetor ka tirsan Aqalka Sare ayaa kahadlay xaaladda dalka, waxuuna dowladda waqtigeeda dhammaaday ku eedeeyay wax qabad la’aan iyo in dalka aay ku ridday Ceel dheer.

Mr Sharma’arke ayaa Farmaajo ku eedeeyay in dalka uu giliyay marxalad siyaasadeed oo dalka lagu arag tan iyo wixii ka dambeeyey markii dowlad Nimad Somalia Lagu Soo Dhisay Carta.

Madaxda dowladda ee waqtigooda dhammaaday ayaa dhowr jeer oo hore lagu eedeeyay siyaasad xumo musuq-maasuq hoggaamin la’aan caburin iyo in aay geestaan tacadiyo ka dhan ah Bini’aadanimada.