DEG DEG:- Qarax ka dhacay Magaalada Muqdisho

Qaraxaan oo jugtiisa laga maqlay degmooyin ka tirsan Gobolka Banaadir ayaa waxaa uu ka dhacay  agagaarka KM4, gaar ahaan dhismihii hore safaaradda Turki.

Qaraxa oo ahaa miinada nocoa dhulka lagu Aaso ayaa waxaa kasoo baxaya warra kala duwan, waxaana jira khasaaro ka dhashay qaraxa, sida ay sheegeen dad goobjoogayaal ah.

Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska Soomaaliya ayaa gaaray halka uu qaraxa ka dhacay, iyaga oo xiray wadooyinka soo gala, waxaana loo diiday inay dadka iyo gaadiidka ka agdhawaadaan.

Wararka kusoo kordha qaraxa kala socda awdinle.com