DEG DEG:- Qarax Muqdisho lagula eegtay Guddoomiye degmo

Qaraxaan oo jugtiisa laga maqlay meelo kamid ah degmooyinka Gobolka Banaadir ayaa waxaa uu ka dhacay xaafada Daaru-Salaam ee degmada Yaaqshiid ee gobolka Banaadir, waxana ka dhashay qasaaro kala duwan.

Qaraxa oo ahaa miinada nooca dhulka lagu Aaso ayaa waxaa la sheegay in lala eegtay Gaari uu watay Guddoomiyaha degmada Yaaqshiid Axmed Cabdullaahi Cariif & Saraakiil Boolis ah oo la socotay.

Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya khasaaraha mas’uuliyiinta kasoo gaaray qaraxa , waana qarixii labaad oo saacado gudahood Maanta ka dhaca Magaalada Muqdisho.