Agaasime Muqdisho ugu geeriyooday COVID-19

Agaasimaha Macadka Diblomaasiyadda Soomaaliya Yuusuf Calasow ayaa  u geeriyooday Xanuunka Covid 19 oo maalmahaan uu la Xanuunsanaa.

Xanuunka Caronavirus oo Soomaaliya ku soo laba kacleeyay ayaa Todobaadyadii Dambe waxaa Gudaha Dalka ugu dhintay Tobaneeyo Qof.

Sidoo kale waxaa la Xaqiijiyay in Dalka ay ka jirto baahi ku saabsan Qalabka Neefsiiyaha ama  Oxygen-ka,taas oo la aaminsan yahay in Dad badan oo Neeftu qabatay ay Geyriyoodeen.

Soomaaliya ayaa xilligaan waxaa ay wajaheeysaa cudurka Coronavirus oo dalka aad ugu faafay, iyada oo kiisas badan laga diiwaangeliay halka dad badan ay ugu geeriyoodeen kuwo kale ay la jiifaan.