Dowladda & Midowga Musharixiinta oo ka heshiiyay waqtiga la qabanayo banaanbaxa

RW Rooble iyo Golaha Midowga Musharaxiinta Mucaaradka ayaa ku heshiiyay in banaanbaxa mucaaradka dhigayaan la qabto maalinta Sabtida oo ku beegan 6-da March.

Shir ay ku yeesheen Ra’iiisul Wasaaraha iyo Midowga Musharixiinga Hotelka Decale ee Muqdisho ayay u saareen guddi ka kooban labada dhinac.

Warmurtiyeedka shirka ayaa lagu wadaa in goordhow la shaaciyo islamarkaana ay madadxu la hadasho warbaahinta.