Koox hubeysan oo Caawa Wariye ku dilay Magaalada Gaalkacyo

Koox Bastoolado ku hubeysan ayaa goordhow agagaarka Xerada Siinaay ee Waqooyiga Gaalkacyo ku dishay Alle ha u naxariistee Wariye Jamaal Faarax aadan oo ka mid ahaa bahda Warbaahinta Gaalkacyo.

Kooxda ka dambeeysay dilka Wariyaha ayaa waxaa la sheegay inay goobta ka baxasadeen, iyada oo meydkiisa ay qaadeen qaar kamid ah ehellada Wariyaha.

Ciidamo ka tirsan Puntland ayaa gaaray halka uu dilka ka dhacay, iyaga oo halkaasi ka wada howlgallo ay ku baadi goobayaan dadkii ka dambeeyay dilkaas.