Soomaaliya oo cambaareeysay weerar ay geysteen Kooxda Xuutiyinta

Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa cambaareeysay weerar Kooxda Xuutiyiinta ay ku qaadeen garoonka Diyaaradaha Riyaad ee dalka Sacuudiga, isla markaan aay u aragto mid xadgudub ku ah sharciga caalamiga iyo kan bani’aadamnimada

Qoraal kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha dibadda Soomaaliya ayaa waxaa lagu sheegay in weerarkaas sidoo kale dowladdu u aragto  carqalad ka dhan ah dadaallada Qaramada Midoobay ee lagu doonayo in lagu gaaro xal siyaasadeed oo dhammaystiran oo lagu soo afjaro colaadda Yemen.

Hoos Ka Akhriso War-Saxaafadeedka Wasaaradda Arrimaha dibadda Soomaaliya.

Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxa ay si kulul u cambaaraynaysaa maleeshiyada Xuutiyiinta oo gantaal baalistik ah ku gantay dhanka Caasimadda Sacuudiga ee Riyadh iyo dhowr diyaarado aan duuliye lahayn oo miinaysan oo ay ku jihaysay magaalooyinka Jaazaan iyo Khamiis mushaat xilli dambe xalay oo Axad ahayd .

Soomaaliya waxa ay u aragtaa weerarkaasi mid xadgudub ku ah sharciga caalamiga iyo kan bani’aadamnimada iyo dambi argagixiso oo lagu beegsanayay goobo dad rayid ah ay deganyihiin  iyo carqalad ka dhan ah dadaallada Qaramada Midoobay ee lagu doonayo in lagu gaaro xal siyaasadeed oo dhammaystiran oo lagu soo afjaro colaadda Yemen, waxayna caddaynaysaa in ay si dhammaystiran u garab taagantahay Boqortooyada Sacuudi Carabiya, ayna ku taageersantahay dhammaan tallaabooyinka ay u qaadayso difaaca ciiddeeda, kuna sugayso amnigeeda ,bedqabka muwaadiniinteeda iyo dadka degganba, iyadoo ka hortagaysa col kasta oo dhagar huwan.