Turkiga oo Ciidmadii ugu badnaa u tababaraya Soomaaliya

Dawladda Turkiga ayaa shaacisay in ay Unugyo kamid ah ciidanka Difaaca Soomaaliya ay meel wanaagsan u marayaan tababarka heerka sare ah, waana Kumaandoos gaar ah oo loogu talo-galay howlgalada adag.

Turkigu, waxay heshiis dibu dhiska ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed ah kula jiraan Dawladda Federaalka Soomaaliya, waxaana ay wadaan soo saarida Guutooyin Milateri oo u tababaran si casri ah.

Gorgor iyo Haramcad oo ah ciidamo Soomaaliyeed ayay Ankara siisay tababaro sare, waxaana
Shaqadooda ah kamuuqataa gudaha Soomaaliya.