Deni oo Amray in Gacanta lagu soo dhigo dadkii ka dambeeyay dilka Wariyaha

Kadib markii xalay Waqooyiga Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug lagu dilay Wariye Jamaal Faarax Aadan oo ka mid ahaa dadka sida weyn looga yaqaano Magaalada Gaalkacyo Qeybta Puntland, waxaana dilkaas ka hadlay Madaxweynaha Puntland.

War-Saxaafadeed kasoo baxay Madaxooyada Puntland ayaa waxaa marka hore loogu tacsiyadeeyay ehellada iyo Saaxiibadii uu ka baxay  Alle ha u Naxariistee Wariye Jamaal Faarax Aadan, iyad aoo alle looga baryay in uu Janadii Fardwso ka waraabiyo.

Sidoo kale Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa faray Hay’adah Amniga Gobolka Muudg inay si deg deg ah gacanta ugu soo dhigaan dadkii ka dambeeyay dilka wariyaha si cadaaladda loo horkeeno.

Hoos Ka Akhriso War-Saxaafadeed kasoo baxay Madaxooyada Puntland.

Anigoo ku hadlaaya magacayga, kan Xukuumadda iyo kan shacabka Puntland, waxaan tiraanyada la wadaagayaa bahda warbaahinta Soomaaliyeed, gaar ahaan Puntland oo uu caawa ka baxay Alle naxariistii Janno haka waraabiyee Marxuum Jamaal Faarax Aadan.

Jamaal waxa uu ahaa weriye ruug caddaa ah oo wadanka kasoo shaqeeyey muddo dheer, wuxuu ahaa weriyeyaashii tirada yaraa ee kasoo shaqeeyay dhismaha Puntland, isagoo tebinayay Shirarkii lagu dhisay Dowladda Puntland. Wuxuu waayadan dambe waday baraarujin dadweyne oo uu dadka ku wacyi-gelinaayey in meel looga soo wada-jeesto argagixisada iyo cidkasta oo ah cadowga Puntland.

Waxaan si adag u cambaaraynayaa falkaasi wuxuushnimada ah ee lagu diley marxuumka, waxaan farayaa laamaha Amniga gobolka Mudug in si deg deg ah gacanta loogu soo dhigo cadawga falkani geystay.

Rabbi ayaan u waydiinayaa naxariistiisa Janno. Samir iyo iimaan dhammaan shacabka Puntland, bahda warbaahinta, eheladi, qaraabadi, asxaabtii iyo qoyskii uu ka baxay Marxuum Jamaal Faarax Aadan.