Lix su’aalood oo ka dhashay qoraal kasoo baxay Villa Soomaaliya

Kala aragti duwanaanta siyaasadeed ee soo baxday shirkii Decale kadib waxaa ay keentay dhawr su’aalood oo kala ah:

1- Miyuusan Madaxwayne Maxamed C/laahi Farmaajo wax aragti ah ku lahayn qodobadii ka soo baxay shirkii Hotel Decale ee Xukuumadda uu Rooble hogaamiyo iyo Midawga Musharixiinta?.

2- Miyuusan RW Maxamed Xusseen Rooble wax ka ogayn shirka uu maalinta khamiista ah ku baaqay Madaxwayne Farmaajo, Maadaama uu islamaalintaas shir kale RW ku dhawaaqay in uu la qaadanayo Musharixiinta.

3- Ma khilaaf siyaasadeed ayaa soo kala dhexgalay MW Farmaajo iyo RW Rooble, mar hadii hal maalin ay wada iclaamiyeen laba shir oo kala duwan?.

4- Sidee suurtogal ku noqon kartaa in Xubnaha Xukuumadda ugu jira guddiga qaban qaabada in ay wax ka qabanqaabiyaan banaanbax looga soo horjeedo MW Farmaajo oo waliba la ogyahay in la soo qaadan doono tabeelayaal ay ku qoran yihiin” Farmaajo ha dhaco,Kaligi taliye doonimayno IWM?.

5- ma waxaa jira go’ aan ka dhan ah MW Farmaajo oo ay siyaasiyiinta hawiye xukuumad iyo Mucaarad islaqaateen?. Hadii ay Maya tahay, Maxaa go’aankoodii kadib keenay in uu Madaxwaynuhu ku dhawaaqo shirka maamul goboleedyada?.

6- Ma waxaa jira qorshe hoose oo ay madaxwaynaha iyo Ra’iisalwasaarihiisu isla ogyihiin oo lagu seexinayo midawga musharixiinta, si dawladdu u fuliso qorshe halis galin kara Musharixiinta?.

Maxaad ku dari lahayd  oo intaas ka dheeri ah.