Musharixiinta Mucaaradka oo wada qorsho lagu bedelayo waqtiga banaanbaxa

Qorshe ku aadan in Banaanbax loo mudeeyay inuu qabsoomo Sabtida soo socota laga soo hormariyo Maalinkaas ka gadaal markii Madaxweyne Farmaajo uu xalay shaaciyay Shir u dhaxeeya Madaxda Dowladda iyo Dowlad Gobolleedyada oo looga hadlayo dhameystirka Doorashooyinka.

Xogta ayaa sheegeysa in Banaanbaxa ay macquul tahay inuu dhaco Arbacada ama Khamiista si aysan u dhicin in Ciidamada Ammaanka xiraan Wadooyinka Caasimadda .

Xildhibaanno ka mid ah Xisbiyadda Mucaaradka ayaa dhanka kale sheegay in Madaxweyne Farmaajo uu dajiyay Qorshahaan oo ay tilmaameen  in la iskaga horkeenayo Banaanbaxayaasha iyo Ciidamada Amniga.