Wasiirka gargaarka iyo Maaraynta Masiibooyinka ee dawladda federaalka, Khadiija Maxamed Diiriye

Dawladda Soomaaliya ayaa markii ugu horraysay ka hadashay xaaaladda abaareed ee maalmihii u danbeeyey laga soo sheegayey guud ahaan gobollada dhexe ee Soomaaliya gaar ahaan Gobolka Gedo iyaga oo dadka u dirayay.qeylo dhaan.

Biya la’aantan ayaa ka dhalatay roobabkii dayrta iyo guga oo baaqday, taas oo sababtay in xoolaha iyo dadkuba ay oomaan yihiin.

Wasiirka gargaarka iyo Maaraynta Masiibooyinka ee dawladda federaalka, Khadiija Maxamed Diiriye ayaa BBC u sheegtay inay ku howlan yihiin sidii gargaar loo gaarsiin lahaa dadka ay abaaraha saameeyeen.

“Anaga ayaa u qorsheysan in aan dhawaan tegno waxaana hadda raadineynaa wixii biyo dhaaminta lagu sameyn lahaa”