Xildhibaan ka tirsan Golaha Shacabka oo Muqdisho ku geeriyooday

Sida ay Warbaahinta u xaqiijiyeen xildhibaano ka tirsan golaha Shacabka xildhibaan ka mid ahaa golaha ayaa goordhow ku geeriyooday Isbitaal ku yaalla Muqdisho.

Xildhibaanka oo lagu magacaabi jiray  Axmed Dhimbiil Rooble ( Casoowe) ayaa ka mid ahaa xildhibaanada golaha Waqooyi ee Muqdisho lagu doortay.

Xildhibaanka ayaa wararka qaar waxa ay sheegayaan in maalimihii lasoo dhaafay uu ku xanuunsanaa Muqdisho.

Gudoomiyaha Golaha Shacabka BJFS ayaa Uga tacsiyadeeyay Dhammaan xildhibaanadda Golaha ,Gudoomiyaha Ayaa si gaar ah ugu tacsiyeey qoyskii, iyo qaraabadii uu ka geeriyooday marxuum Xildhibaan Casoowe oo kamid ahaa Ragga waaya aragga ah ee ku jiray baarlamaanka soomaaliya