Axmed Cabdul-qeyt oo loo doortay Xoghayaha Guud ee Jaamacadda Carabta

Wasiiradda Arrimaha Dibedda ee Dowladaha xubnaha ka ah Ururka Jaamacadda Carabta waxay dib u doorteen Axmed Cabdul-Kheyd oo xilkaasi hayey tan iyo bishii March ee sanadkii 2016-kii.

Wasiiradda Arrimaha Dibedda ee 22-ka Waddan ee xubnaha ka ah Ururkaasi waxay maanta Kulankoodii 155-aad ku yeeshay Xarunta Ururkaasi ee magaalladda Qaahira, iyagoo u codeeyey inuu Axmed Cabdul-qeyt sii hoggaamiyo Ururkaasi shanta sano ee soo socota.

Axmed Cabdul-qeyt oo 78 jir ah waxa uu u dhashay dalka Masar oo caadi ahaan Madaxa u noqda Ururka Jamaacadda Carabta oo la asaasay bishii March 22-dii ee sanadkii 1945-kii.

Bishii Janaayo, Madaxweynaha dalka Masar, C/fataax Al-sisi waxa uu Axmed Cabdul-qeyt u sharxay in mar kale oo 5 sano ah loo doorto Xoghayaha Guud ee Ururka Jaamacadda Carabta.