Bangiga Dhexe oo soo saaray Amar lagu socodsiinayo Lacagta 50-ka Doollar ah

Bangiga Dhexe ee Soomaaliya ayaa amar ku siiyay bangiyada gaarka loo leeyahay iyo ganacsatada dalka in ay qaataan sidoo kalena socodsiiyaan isticmaalka lacagta 50-ka doollaar ah.

Qoraalka uu Bangigu ka soo saaray arrintaa ayaa yimi kaddib markii todobaadyadii la soo dhaafay ay ganacsatada iyo bangiyadu diideen qaadashada lacagtaas sababo la xariira lacago been abuur ah oo la sheegay in dalka ay soo galeen.

Ra’iisul wasaare Mxaamed Xuseen Rooble ayaa isagana sidoo kale horay kulan ula yeeshay maamulayaasha bangiyada dalka.

Hoos Ka Akhriso Qoraalka kasoo baxay Bangiga Dhexe ee Soomaaliya