Burcad Ethiopian dhac ka geystay Sacuudiga oo la  qabtay

Boliska Gobalka Maka Al-mukarama ee dalka Sacuudiga waxay sheegeen inay gacanta ku dhigeen 7 nin oo u dhashay dalka Ethiopia, kuwaasi oo dhac u geysan jirtay dadka lacagaha ka soo qaata Bangiyada.

Eedeysanayaasha oo da’dooda u dhexeeyso 20-aadka, 30-aadka iyo 50-aadka waxaa la sheegay inay ka qaraaban jireen Bangiyada hortooda, iyagoo daba-geli jiray Dadka marka ay Bangiyadda ka soo qaataan Lacagaha.

Burcadda oo Tooreey ku hubeysnaa waxay ku qaraaban jireen Gaari laga soo dhacay magaalladda Jeddah.

Boliska Sacuudiga waxay sheegeen inay Eedeysanayaasha khatar ku ahaayeen Ammaanka, laguna qabtay lacago ay dadka ka dhaceen, laguna qiimeeyey lacag dhan 632,000 oo Riyaal.