Dowladda oo Ciidamo badan ku daadisay Muqdisho & dad lagu qabtay

Howlgal lagu qabanayo dhalinyarada Xaafadda ayaa hadda ka socda Xaafado kamid ah Degmada Shibis.

Ciidamada Boliska iyo Nabadsugida Degmada Shibis ayaa caawa howlgal ka bilaabay xaafado katirsan Degmada Shibis,gaar ahaan Xaafadaha Calasoow Dheere iyo Xalane.

Wararka ayaa sheegaya in Ciidamada ay qabanayaan Dhalinyarada Xaafadda iyaga oo meel isugu geynaya,lama oga sababta Howlgalka.

Ciidamada ayaa mudooyinkii dambe joojiyay howlada Xaafadaha ee dhalinyarada lagu qabto,inkastoo caawa dhalinyaradu ay dib u xusuusteen howlgaladii xiliga habeenkii ee dhalinyarada lagu bartilmaameedsa jiray.