Wufuud ku qulquleysa Dhuusamareeb & Shir ka furmaya

Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Dowlad Goboleedka Galmudug ayaa lagu wadaa in todobaadkaan uu ka furmo Shirweyne lagu Heshiisiinayo beelo dhawaan ku dagaalanay degaanka Xananbuurw, kuwaas oo kasoo kala jeeda Magaalooyinka Cadaado iyo Dhuusamareeb.

Wufuud kala duwan ayaa saacadihii la soo dhaafay gaartay Magaalada Dhuusamaresb, waxaa sidoo kale lagu wadaa inay wufuud kale gaaraan si ay shirka uga qeyb galaan.

Gogosha dib u heshiisiineed ee Magaalada Dhuusamareeb ayaa dhawaa  in la qabanayo ku dhawaaqday Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo dib u heshiisiinta Galmudug oo waday maalmahaan dadaalada lagu xalinayay  colaad Beeleedyada.