Askar Eritrean oo Maxaabiis ahaan loogu qabtay Gobalka Tigrayga

Taageerayaasha u daacadda ah Kooxda Hubeysan ee Ciiddanka Difaaca Tigrayga (Tigray Defense Forces) ee TDF ayaa waxay Baraha Bulshada soo dhigeen Askar u dhalatay Eritrea oo ay Maxaabiis ugu qabteen dagaal ka dhacay Gobalka Tigrayga ee Waqooyiga Ethiopia.

Sida laga soo xigtay Taageerayaasha Kooxda TDF waxay Ciiddankaasi ku labisnaayeen Dareeska u gaarka ah Milliteriga Federalka Ethiopia ee Ethiopian National Defense Forces ee ENDF.

Askarta Eritreanka ee la qabtay waxay kaloo wateen Kabaha nooca Baasta-miirka oo kale ee loo yaqaano Congo Shoes, kuwaasi oo ay inta badan xirtaan Ciiddanka Eritreanka.

Wararka qaarkood waxay sheegayaan in Ciiddankaasi la qabtay bishii November ee sanadkii hore, kadib, markii ay Ciiddanka Eritrea oo taageero siinaya kuwa Dowladda Federalka Ethiopia ay weerareen Gobalka Tigrayga oo ay ku xooggan yihiin Qowmiyadda Tigrayga.