Kooxda Macawiisleeyda & Al-Shabaab oo dagaalamay

Wararka ka imaanaya duleedka deegaanka yaaqberiweyne ayaa waxa ay sheeegayaan in halkaas saaka uu dagaal xooggan ku dhex maray Meleshiyadka macawisleyda iyo Dagaalamayaasha Al-shabaab.

Macawisleyda ayaa sheegay in ay weerar ku qaadeen fariisimo ay Alshabaab deegaankaas ku lahayeen sida ay tilmaameen dagaalkaas waxaa Alshabab looga dilay 2 dagaalame halka dhaawaca ay ku sheegeen in uu intaas ka badan yahay.

Kooxda Macawisleyda ayaa dhowr mar waxa ay dagaal la galeen Djuagaalamayaasha Al-shabaab iyadoo labada dhinac uu soo kala gaaray khasaaro kala duwan.