Galmudug oo si awood ah kula wareegtay Gaadiid dagaal

Maamulka Galmudug ayaa lawareegey gaadiidka dagaal oo ka soo dagey Dekeda Hobyo dhawaan ayna wateen ganacsato ree Galmudug ah.

Galmudug ayaa u sababaysey lawareegista baaburtaan dagaal in ladoonayey in laga gado qabiilada Galmudug taas oo qayb ka ah dagaalada joogtada ah ee dhexmara beelaha dega Galmudug.

Taliyaha nabad sugida qaybta Galmudug Col: Mahdi Cumar Muumin ayaa Hobyo kula wareegey gaadiidkaan dagaal oo maamulku u wakiishey.

Galmudug ayaa sidaan oo kale ula wareegtey baabuur dagaal oo Hobyo horey uga soo soo dagey, waana tilaabo Madaxwaynaha Galmudug qaadey si looga gaashaanto colaada baaheysa ee beelaha oo gaadiidkan qayb ka noqon lahaa.