Guddoomiye Filish oo u digay Shacabka Muqdisho

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Cumar Maxamed Maxamuud (Filish) ayaa shir jaraa’id uu qabtay waxa uu faray bulshada Caadimadda in ay u dhaga nuglaadaan fariimaha caafimaad iyo wacyigalinta uu wado maamulka gobolka Banaadir ee loogu hortagayo faafitaanka caabuqa COVID-19.

Duqa magaalada Muqdisho Cumar Filish ayaa sidoo kale tilmaamay in ay ciqaab la kulmi doonan cidii fulin weyso awaamiirta ay soo saartay wasaarada Caafimaadka ee la xariirta cudurka Coronavirus.

Cudurka Safmareenka ah ee Coronavirus oo maalmihii la soo dhaafay waxaa kiisas badan laga helay Soomaaliya gaar ahaan Magaalada Muqdisho, iyada ay socdaan dadaalo looga hortagayo in uu faafo.