Jubbaland iyo AMISOM oo shir deg deg ah ka yeeshay…

Madaxweyne Ku xigeenka Dowlad Goboleedka Jubbaland Mudane Maxamuud Sayid Aadan ayaa maanta shir gudoomiyey shirka bilaha ee golaha Amniga Jubbaland.

Kulanka ayaa waxaa kasoo qayb galay Saraakiisha kala duwan ee Ciidanka Jubbalaand, Xooga Dalka iyo kuwa Howlgalka Nabad ilaalinta Midowga africa ee AMISOM.

Intii uu shirka socday ayaa waxaa warbixin laga dhagaystay gudiga Amniga Jubbaland taas oo ku saabsan waxyaabihii bishii tagtay u qabsoomay hay’adaha amniga Jubbaland iyo sidii looga hortagay falal Amniga lid ku ah oo ay isku dayeen argagixisada Al-shabaab.

Waxaa la isla soo qaatay intii uu shirka socday in lagama maarmaan ay tahay in wadajir howlgal ka dhan ah Al-shabaab loo qaado kaas oo lagu xoreenayo deegaanada ay wali gacanta ku hayaan kooxda Argagixisada ah Al-shabaab.