Madaxweynaha Somaliland oo sheegay in dadka Muqdisho afduub lagu heysto

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi oo khudbad ka jeedinayay Magaalada Hargeysa ee Caasimada Somaliland ayaa sheegay in Soomaaliya hadda ka jirto dowlad la’aan ka dib markii  uu dhamaaday waqtigii dowladdii hore.

Waxaa uu ku tilmaamay shacabka kunool caasimadda kuwo ku hoos nool Afduub, maadaama madaxweynaha uu dhammaaday Muddo xileedkiisa uu xilka isku dhejiyay.

Sidoo kale Muuse ayaa tilmaamay in wax la yaab leh tahay in dal aan uu noqdo dowlad la’aan oo ka jiro maamul aan heysan sharciyad.

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa shacabka magaalada Muqdisho ku tilmaamay in ay afduuban yihiin, isagoo yiri

“Shacbiga Muqdisho iyagaaba afduuban, dadka talada u hayaana waxay qaadaan tallaabooyin cadaawad ah oo dadka kala fogeynaya. Maanta Muqdisho dawladdii hore wakhtigeedii wuu dhammaaday dawlad cusubna lama dooran sharciguna uma kordhin haddana wuu fadhiyaa waana maamulayaa”

Waxaa uu sidoo kale Madaxweyne Muuse Biixi waxaa uu sheegay in lasii adkeyn doono sharciga lagu qaadayo mas’uuliyiin kasoo jeeda Somaliland ee ka tirsan dawladda Soomaaliya, kadib marka ay cafis soo dalbadaan.