Deni oo Shaqa joojin ku sameeyay Gudsoomiyaha magaalada Boosaaso

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa soo saaray Xeer Madaxweyne Lr 09 ee 9-ka Maarso 2021, kuna saabsan shaqo ka joojin Guddoomiyaha Golaha Deegaanka Degmada Boosaaso.

Madaxweynaha Maamulka Puntland

Markuu arkay: Dastuurka  Puntland qodobkiisa 80-aad

Markuu arkay: Eedaymaha la xiriira ku dhaqan la’aanta nidaamka maamulka dhaqaalaha ee degmadda Boosaaso

Markuu arkay: Talo soo jeedinta Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta  Puntland.

Markuu tixgeliyey: Cabashooyinka ka imanaya shacabka degmadda Boosaaso

Wuxuu xeeriyey:

1. Waxaa shaqada laga joojiyey Guddomiyaha Degmada Boosaaso, Mudane Cabdisalaan Bashiir Cabdisalaan.

2. Waxaa shaqada sii wadaya Guddoomiye Ku-xigeenka kowaad ee Degmadda Boosaaso.

3. Waxaa la faray Hanti dhawrka Guud in ay baaris dhameystiran ku sameeyaan maamulka iyo maareynta

Xeerkan waxaa uu dhaqangelaya marka uu Madaxweynuhu Saxiixo, wuuna saxiixay.