Dowladda Soomaaliya oo Ciidamo horleh tababar ugu dirtay Turkiga

Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga XFS ayaa Maanta muqdisho ka Sagootiyay Cutubyo ka tirsan Ururka 7-aad Ee Kumaandooska Gor-gor oo Tababar ku soo qaadanaya Dalka Turkiga.

Wasiirka Difaaca Dalka Abukaate Xasan Xuseen Xaaji, ayaa sheegay in DFS ay muhiimad gaar ah siisay dib-u-dhiska Ciidamada qalabka Sida ,

“Dadka iyo dalka soomaaliyeed ayaad u soo Tababaraneysaan, Ciidan qaran ayaad tihiin , Waxaan idiin rajeynayaa in dalkiina aad ku soo noqotaan idinkoo cilmi iyo aqoon soo kororsaday ,Dowladda Turkigana waan ugu mahadcelinayaa taageeradda joogtada ah ee ay Dowladeenna la garab taagantahay “ ayuu yiri wasiirka Difaaca Soomaaliya Xasan Xuseen Xaaji.

Shalay ayay aheyd markii Garoonka diyaaradaha Aadan-Cadde ee Magaalada Muqdisho laga soo dejiyay cutub kamid ah Ciidamada gorgor, kuwaas oo tababar sare kusoo qaatay dalka Turkiga.