Ilaalada Gaarka ah ee Axmed Madoobe oo kasoo degay Garoonka Aadan-Cadde

Ilaalada gaarka ah ee Madaxweynaha Maamulka  Jubbaland Axmed Madoobe ayaa goordhow ka soo degay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Muqdisho.

Madaxweynaha Jubbaland ayaa la filayaa inuu Muqdisho soo gaaro gelinka dambe ee maanta, waxaana uu degi doonaa deegaan looga diyaariyay Xeyndaabka Garoonka diyaaaradaha.

Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa la filayaa in uu soo gaaro Magaalada Muqdisho, waxaana labada mas’uul ay ka qeyb geli doonaan saxiixa heshiiskii doorashada.