Khasaaro ka dhashay madaafiicdii lagu weeraray Xerada Xalane+ Sawirro

Khasaaro kala duwan oo ka dhashay Weerar Madaafiic ah oo maanta lagu weeraray xarunta Xalane ee ku dhinac taala garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho, halkaas oo fariisin u ah wakiilada Beesha Caalamka ee Soomaaliya iyo taliska Ciidamada AMISOM.

Qaar kamid ah madaafiicda lagu tuuray xarunta Xalane ayaa la sheegay in ay ku dhaceen gudaha xarunta, kuwaasi oo qasaaro kala duwan dhaliyay, waxaana ku dhaawacmay laba kamid ah askarta Uganda halka Gaadiid iyo agab kale ay ku burbureen.

Majiro wax war ah oo ka soo baxay Taliska Ciidamada Amisom oo xaqiijin kara qasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay Duqeyntaasi, hayeeshee Al-Shabaa  ayaa sheegtay mas’uuliyada weerarkaas.